Wefti ka socda dowladda Federalka ah ee Somalia ayaa galabta ka degey garoonka diyaaradaha Shaatiguduud ee…

Wefti ka socda dowladda Federalka ah ee Somalia ayaa galabta ka degey garoonka diyaaradaha Shaatiguduud ee Magaalda Baydhabo, kadib markii uu shalay ka baxay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo xilka banneeyey.
Wafuuddaan oo ka kooban hay’adaha kala duwan ee dowladda Somalia ayaa waxaa kujira shaqsiyaad aan muddo booqan Baydhabo kadib khilaaf siyaasadeed oo kala dhexeeyey Madaxweyne Lafta-gareen oo 7 sano ka arriminayey deegaamada Koonfur Galbeed Somalia.
Kahor inta uusan weftigu ka dhoofin Muqdisho waxaa siweyn laysugu khilaafay cidda hoggaaminaysa galka xilgaarsiinta maamulka Koonfur Galbeed iyadoo xubnuhu ku kala tageen in wasiirkii maaliyadda ee Lafta-gareen sii maamulo ama lagu wareejiyo guddoomiye ku-xigeenkii hore ee barlamaanka maamulkaasi.
Ugu dambeyn, dhinacyada ayaa isku raacay in RW kuxigeenka 2aad ee XFS Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi uu noqdo madaxa u sareeya hanaanka xil-gaarsiinta ee maamulaya Koonfur Galbeed.



