Wafuud hordhac u ah madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ku wajahan Magaalada Muqdisho oo dhawaan…

Wafuud hordhac u ah madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ku wajahan Magaalada Muqdisho oo dhawaan lafilayo inuu ka furmo shir u dhexeeya golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wafuuddaan ayaa waxa ay gogol xaar u samayn doonaan safarka iyo kulamada ay Muqdisho ku yeelan doonaan madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo la xiriira arrimo siyaasadeed.
Dhanka kalena, xubnahaan ayaa waxa ay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo sii ambaqaado wadahadallada ku saabsan arrimaha doorashooyinka, dastuurka, iyo xoojinta midnimada dalka.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ka wada hadli doona xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorashooyinka iyo qodobo kale.




