Wafuud hordhac u ah Madaxweyne Deni oo gaarey Magaalada Badhan.

26 April, 2026

Wafuud hordhac u ah Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa gaarey Magaalada Badhan ee xarunta…

Wafuud hordhac u ah Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa gaarey Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag, xilli ay maalinimadii shalay ka dheceen dibadbaxyo lagu dalbanayey inuu caddaalad helo nabadoon sanadkii hore lagu diley duqayn Maraykanku fuliyey.

Madaxweyne Deni ayaa Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag kulamo kula qaadan doona Suldaan Siciid Cabdisalaan oo dhawaan ka baxay Garoowe, kadib markii uu ka carooday iskushaandhayntii xukuumadda Puntland.

Madaxweyne Deni, Suldaan Siciid iyo qaar kamid ah isimada kale ee dhaqanka ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka, arrimaha doorashooyinka federalka iyo isbeddelada siyaasadeed ee Somalia.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa booqan doona qaar kamid ah xeryaha ciidamada degmooyinka Qardho, Carmo iyo Badhan oo ay tababaro ku qaadanayaan boqolaal katirsan ciidamada booliska iyo Daraawiishta Puntland.