Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa diyaar garaw xooggan ugu jirta qaabilaadda wafuud…

Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa diyaar garaw xooggan ugu jirta qaabilaadda wafuud uu ugu meeqaam sarreeyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Gelinkii dambe ee maanta waxaa Magaalada Laascaanood qaabishay wafuud hordhac ah iyo ciidamo ka qayb qaadan doona sugidda ammaanka Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgeli doona caleema saarka Firdhiye iyo ku-xigeenkiisa.
Wafuudda Laascaanood gaartey waxaa kamid ah guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee aqalka sare Cabdullaahi Cali Xirsi, Taliyaha ciidanka Booliska Somalia Gen. Asad Diyaano, xubno katirsan golayaasha dowladda iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo Khamiista laga sugayo Laascaanood ayaa socdaalkiisa lagu sababeeyey midnimada dalka iyo in jawaab looga dhigo aqoonsigii maamulka Somaliland ka helay Israel.



