Wafuuddii ugu badnayd ee ka socota Somalia ayaa siyaabo kala duwan loogu soo dhoweeyey magaalada Laascaanood…

Wafuuddii ugu badnayd ee ka socota Somalia ayaa siyaabo kala duwan loogu soo dhoweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC KHATUMO, oo sanad iyo bar kahor xoog looga saaray Somaliland.
Wafuuddaan oo hordhac u ah Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xamse Cabdi Barre ayaa isugu jira golayaasha kala duwan ee dowladda Soomaaliya, ilaalada RW Xamse, fanaaniin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
RW Somalia oo noqon doona Mas’uulkii ugu derejada sarreeyey ee booqda Laascaanood kadib Siyaad Barre ayaa lafilayaa inuu kulamo la qaato madaxda maamulka SSC KHATUMO iyo qaybaha kala duwan ee bulshada goboladaasi.
Maamulka SSC KHATUMO ayaa dowladda Somalia uga fadhiya aqoonsi rasmi ah, helitaanka mashaariic lamid ah maamulada kale iyo ka qaybgelinta shirarka lagu jaangoynayo masiirka siyaasadeed ee Soomaaliya.