Wafuud hordhac u ah shirka mucaaradka oo gaaray Kismaayo.

16 December, 2025

Wafuud ka qayb galaysa shirka ka furmaya magaalada Kismaayo ayaa maanta gaaray magaalada, iyadoo wafdigii ugu…

Wafuud ka qayb galaysa shirka ka furmaya magaalada Kismaayo ayaa maanta gaaray magaalada, iyadoo wafdigii ugu horreeyay ee hordhaca u ahaa shirka ay isku arkayaan mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya uu si rasmi ah u degay Kismaayo.

Kismaayo, oo ah xarunta Dowlad Goboleedka Jubbaland, ayaa soo dhaweysay wafdigan ugu horreeya, kaas oo uu hoggaaminayay xoghayaha Madasha Samatabixinta Soomaaliya, Maxamed Aadan Koofi. Wafdiga ayaa Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waxaa ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, Maxamed Ibraahim Oogle, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Jubbaland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, Maxamed Ibraahim Oogle, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in shirka mucaaradka Soomaaliya uu socon doono muddo afar maalmood ah, laga bilaabo 17-ka ilaa 20-ka bisha Diseembar, isla markaana si rasmi ah loo furi doono maalinta Arbaco.

Waxa uu wasiirku xusay in shirka diiradda lagu saari doono dhammaystirka qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, iyo falanqaynta xaaladda siyaasadeed ee kala guurka ah ee uu dalku marayo, iyadoo la filayo in dood qoto dheer laga yeesho arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Dhankiisa, Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay in shirka Kismaayo uu yahay mid muhiim u ah marxaladda adag ee siyaasadeed ee Soomaaliya ku jirto, isagoo xusay in inta uu shirku socdo laga arrinsan doono qodobo muhiim ah oo la xiriira jihada siyaasadeed ee dalka, caqabadaha dowladnimo iyo isbeddellada siyaasadeed, wuxuuna uga mahadceliyay maamulka iyo shacabka Jubbaland soo dhaweynta iyo martigelinta shirka.