Ruushku waxa uu sheegay in ay filayaan in wadahadalka uu Ukraine kula yeelan doono Istanbul Arbacada gelinka dambe uu noqon doono “mid adag,” isaga oo hoos u dhigaya rajada laga qabo in horumar laga gaadho kulanka labada dhinac ka dib ku dhawaad saddex sano iyo badh oo dagaal ah.

Labada dhinac ayaa horay ugu kulmay Istanbul bilihii May iyo June, balse waxa ay ku heshiiyeen kaliya in la is dhaafsado maxaabiista iyo meydadka askarta.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa usbuucii hore siiyay Ruushka “50 maalmood” inuu joojiyo dagaalka ama uu wajaho cunaqabateyn, laakiin Ruush-ka ma aysan sheegin inuu diyaar u yahay inuu ka tanaasulo dalabaadkiisa.
“Qofna ma filayo waddo sahlan,” afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov ayaa u sheegay saxafiyiinta mar wax laga waydiiyay waxa uu ka filayo wadahadalada.
“Wuxuu noqon doonaa wadahadalka mid aad u adag,” ayuu raaciyay.
Wefdiga Ruushka ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Istanbul, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Ruushka. Wafdiga Ukraine ayaa marka hore kulamo kula qaatay magaalada Ankara mas’uuliyiin ka tirsan Turkiga.
Ukraine waxa ay sheegtay in ay rajaynayso in labada dal ay ka wada hadlaan sii deynta maxaabiista, isla markaana ay gogol xaar u dhigaan kulan dhexmari doona madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin.
“Wax walba waxay ku xirnaan doonaan haddii Ruushku joojiyo hadalka ugu dambeyntii oo uu qaato mawqif wax dhisaya,” xubno ka tirsan wafdiga Ukraine ayaa sheegay.
Moscow ayaa sheegtay in shaqo badan loo baahan yahay ka hor inta aan xitaa laga wadahadlin wadahadalada suurtagalka ah ee dhexmari kara Putin iyo Zelenskyy, oo kulankoodii ugu dambeeyay ahaa sanadkii 2019.



