Wafuud ka socota DFS oo Laascaanood u tegey ka qaybgalka Shirka KHATUMO.

10 July, 2025

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya iyo…

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaano katirsan labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee caasimadda Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.

Wafdigan ballaaran ayaa Laascaanood u gaaray sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Shirweynaha dhameystirka maamul dhiska SSC-Khaatumo oo maanta ka furmaya magaalada Laascaanood.

Hoggaamiyaha maamulka SSC KHATUMO Cabdulqaadir Axmed Aw-cali Firdhiye ayaa waftigaan ku qaabilay aqalka Madaxtooyada isagoo uga mahadceliyey doorkii DFS ee arrimaha SSC KHATUMO.