Wafuuda Caalamka oo isaga baxay Shirka Qaramada Midoobay khudbadii Netanyahu

26 September, 2025

Wafuuda dalalka Caalamka ayaa si lama filaan ah Jimcihii uga baxay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, xili uu halkaasi khudbadiisii kasoo jeedinayey Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Netanyahu ayaa khudbadiisii maanta weerar ba’an ku qaaday dalalka beesha caalamka oo taageerta Falastiiniyiinta.

Horaantii usbuucan, Faransiiska iyo dhowr waddan oo Yurub ah ayaa aqoonsaday dowlada falastiin.

Khudbadiisa, Netanyahu wuxuu ku andacoodey in Falastiiniyiintu aysan dooneyn jiritaanka dowlad Israa’iil.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dhaleeceeyay waddamada reer galbeedka sida ay u aqbaleen qaranimada Falastiin, wuxuuna ku eedeeyay in ay la daalaa dhacayaan cadaadis uga imaanaya dadka u ololeeya iyo kuwa kale oo Israa’iil ku eedeeyay dambiyo dagaal iyo xasuuq ka dhan ah Falastiiniyiinta Gaza.