Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isuduwaha Arrimaha…

Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isuduwaha Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimada, George Conway, ayaa maanta gaarey Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Conway ayaa kulamo la qaadan doona Mas’uuliyiinta maamulka Waqooyi Bari iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo diiradda lagu saarayo xaaladda bani’aadannimo, baahiyaha bulshada iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha Qaramada Midoobay iyo maamulka deegaanka.
Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay wajahdo xaalad bani’aadannimo oo adag, gaar ahaan abaaraha iyo boqolaal katirsan maxaabiistii Somaliland looga qabtay dagaalkii ka dhacay gobolka Sool 2023.
Wafdigaan oo ah midkii ugu miinsaanka cuslaa ee ka socda Qaramada Midoobey ayaa lafilayaa inuu gudbin doono qiimayn ku saabsan xaaladda deegaanka iyo qorshaha Qaramada Midoobey inkastoo ay dhaqaale la’aan u sii xirmayaan xafiisyada QM ee Somalia.




