Qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho ayaa ku wajahan caasimadda Puntland…

Qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho ayaa ku wajahan caasimadda Puntland ee Garoowe, si ay kulamo ula qaataan Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Safiirka UK ee Somalia, ku-simaha safiirka Maraykanka iyo taliska AFRICOM ayaa Garoowe Madaxda Puntland kagala arrinsan doona xaaladda dalka, khilaafyada siyaasadeed iyo sii ambaqaadidda gogosha mucaaradka iyo dowladda federalka ah ee Somalia.
Wakiilada oo horay u sheegay inaysan dhiman rajadii wada-hadallada ayaa doonaya inay mucaaradka iyo dowladda ku kulmiyaan Muqdisho si heshiis looga gaaro nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa loogana gudbo marxaladda kala guurka.
Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Africa, IGAD iyo dalal kale ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda Soomaalida inay miiska wada-xaajoodka isugu yimaadaan kana fogaadaan tallaabo kasta oo dalka gelin karta qalalaase siyaasadeed.



