Waqooyi Bari oo beenisey in maxaabiis katirsan askartii Somaliland ka baxsadeen xabsiga Laascaanood.

Maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa beeniyey warar saacadihii la soo dhaafiyey siweyn loogu faafiyey baraha bulshada…

23 September, 2026

Maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa beeniyey warar saacadihii la soo dhaafiyey siweyn loogu faafiyey baraha bulshada oo sheegayey in sarkaal katirsanaa maxaabiistii Somaliland looga qabtay dagaalkii Goojacadde uu ka baxsaday xabsiga dhexe ee Magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Waqooyi Bari, Cabdi Dheere ayaa waxkama jiraan ku sheegay guud ahaanba wararka la xiriira baxsashada sarkaalkaasi, wuxuuna ku tilmaamay warar been abuur ah oo laga soo abaabuley Somaliland, si loogu carqaladeeyo ammaanka iyo jiritaanka deegaamada Waqooyi Bari.

“Jeelka laascaanood Hormuz waa ka adag Yahay Cidi nagama baxsan karta, Sarkaal Kamida kuwii Goojacadde lagu qabtay ee Somaliland ayaa baxsaday xili caafimaad loo qaaday waana soo qabanay”, Ayuu yiri Wasiirka Amniga Waqooyi bari Cabdi Dheere.