Maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa si adag uga jawaabey hadal uu maalin kahor sheegay Madaxweynaha maamulka…

Maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa si adag uga jawaabey hadal uu maalin kahor sheegay Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, oo ka hadlayey nabadaynta iyo isdhaafsiga Maxaabiista.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Waqooyi Bari Axmed Cabdirisaaq oo warbaahinta kula hadlay gudaha Magaalada Laascaanood ayaa sheegay in sheegashada Cirro ay tahay waxba kama jiraan, wuxuuna Somaliland ku eedeeyey inay gobolka Sool ka waddo dhiillo colaadeed.
“Hadalada Cirro waa wax aad iyo aad looga xumaado waana xilkasnimo la’aantiisa inuu sidaas u hadlo, fursaddii nabadda ee Waqooyi Bari bixisay cidna kama faa’iidaysan”, Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta maamulka Waqooyi Bari Axmed Cabdirisaaq.



