Waqooyi Bari oo mamnoocday safarada dhalinyarada ka yar 30 sano.

16 November, 2025

Maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa soo saaray awaamiir lagu joojinayo safarada dhalinyarada da’doodu ka yar tahay…

Maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa soo saaray awaamiir lagu joojinayo safarada dhalinyarada da’doodu ka yar tahay 30-ka sano, uga baxayaan garoonka diyaaradaha Magaalada Laascaanood ee caasimadda Maamulkaasi.

War ka soo baxay Wasiirka hawlaha guud, gaadiidka iyo dib-u-dhiska maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Cabdi Warsame ayaa shirkadaha duuliyaadyada lagu faray in ay reeban tahay tigidhada laga soo jaro meelaha ka baxsan Laascaanood ee ay wataan dadka da’doodu ka yar tahay 30-ka sano.

Tallaabadaan ayaa timid kadib markii ciidanka ammaanku ay heleen xog la xiriirta in qaar kamid ah safaradii ka baxay Laascaanood ay ku lug yeesheen tahriibinta dhalinyarada deegaamada maamulkaasi iyo kuwa kale oo Soomaali ah.