Waqooyi Bari oo soo dhaweysey sarkaal ka soo goostay maaulka Somaliland.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa deegaanka Fiqi Fuliye ee gobolka Sanaag ku soo dhaweeyey taliyihii aagga degmada…

19 August, 2026

Maamulka Waqooyi Bari ayaa deegaanka Fiqi Fuliye ee gobolka Sanaag ku soo dhaweeyey taliyihii aagga degmada Yubbe ee ciidamada Somaliland Cali Axmed Ismaaciil (Ashkato) oo soo goostay.

Sarkaalkaan oo ka soo jeeda gobolka Sanaag horayna uga tirsanaa maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu dib ugu soo laabtay deegaankiisa uuna ku biiri doono ciidanka dowladda federalka ah ee ku sugan maamulka Waqooyi Bari.