Wasiirka Warfaafinta maamulka Waqooyi Bari Najiib Barkhadle ayaa saluug ka muujiyey matalaadda Madaxweyne ku xigeenka cusub…

Wasiirka Warfaafinta maamulka Waqooyi Bari Najiib Barkhadle ayaa saluug ka muujiyey matalaadda Madaxweyne ku xigeenka cusub Cabdirashiid Abwaan isagoo sheegay in aan weli si dhab ah gobolka Sanaag looga helin siyaasi awood u leh inuu ku metelo siyaasadda maamulka Waqooyi Bari. Wasiirka ayaa tilmaamay in gobolka Sanaag gabi ahaantiisba ka maqan yahay gacanta maamulka cusub uusan ahayn Cabdirashiid masuulkii kasban lahaa.
Barkhadle ayaa xusay inuusan ku kalsooneyn in Madaxweyne ku xigeenku awood siyaasadeed iyo cudud ciidan ku filan u leeyahay inuu soo xero geliyo deegaanada gobolka Sanaag. Wuxuu carabka ku adkeeyay in Sanaag u baahan yahay siyaasi dhab ah oo bulshada iyo deegaanka si buuxda ula jaan qaadi kara islamarkaana ku meteli kara miiska maamulka Waqooyi Bari si wax ku ool ah.
Wasiirku wuxuu ku dhaliilay hannaanka loo dhisay maamulka cusub in uu yahay mid aan si qoto dheer looga fiirsan isagoo sheegay in gobolka Sanaag ay weli ka muuqato banaan ka turjumaya baahida shacabka ee dhinaca hoggaanka iyo siyaasadda.
Sidoo kale wuxuu ku nuuxnuuxsaday in aan dowlad dhis lagu tilmaami karin dadka baxsadka ah balse loo baahan yahay in reer Sanaag laga dhex helo siyaasi karti leh oo si dhab ah ugu taagan matalaadda bulshada iyo dhismaha maamulka cusub.
Ugu dambayn Wasiirka Warfaafinta ayaa ku baaqay in dib loo eego qaabka loo dhisayo maamulka si loo hubiyo in gobollada oo dhan si siman uga muuqdaan islamarkaana gobolka Sanaag helaan hoggaan ay ku kalsoon yihiin shacabka deegaanka.



