Maamulka Waqooyi Bari ayaa ku dhawaaqay in la xannibay gaadiid xamuul ah oo ka soo shiraacday…

Maamulka Waqooyi Bari ayaa ku dhawaaqay in la xannibay gaadiid xamuul ah oo ka soo shiraacday dekedda Magaalada Berbera ee maamulka Somaliland, soona qaaday laamiga xiran ee u dhexeeya Laascaanood iyo Magaalada Burco ee gobolka Togdheer.
Laamaha ammaanka Maamulka Waqooyi Bari ayaa xaqiijiyey in la xayiray gaadiidka iyo xamuulkii saarnaa, iyadoo xabsiga loo taxaabay 9 ruux oo la sheegay inay isugu jireen darawallo iyo hawl-wadeenadii kale ee gaadiidka, oo markii ugu horraysay isaga gooshay laamiga isku xira Burco iyo Laascaanood tan iyo dagaalkii 2023.
Gaadiidkaan oo xamuul u sidey Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari ayaa la sheegay inuu soo dhaafay deegaanka Sallinta Oog oo ah halka ay ku sugan yihiin ciidanka Somaliland, kahor inta uusan soo gaarin Guumays oo ay ku sugan yihiin ciidanka Waqooyi Bari oo ugu dambayn gacanta ku dhigay.
Warar hoose oo ay heshay Horseed Media ayaa sheegaya in gaadiidkaan oo muddo dhawr asbuuc ah lagu xayiray dekedda Berbera uu u rarnaa Maxamed Jabuutaawi oo kamid ah ganacsatada deegaamada Maamulka Waqooyi Bari, lamana oga tallaabada ay xukuumaddu ka qaadi doonto.
Laamiga xiriiriya Burco iyo Laascaanood ayaa muddo saddex sano ah ka xirnaa inta u dhexaysa Guumays iyo Oog oo fariisimo u kala ah ciidamadii ku dagaalamay Goojacadde sanadkii 2023 oo Somaliland looga awood roonaaday gacan ku haynta gobolka Sool.




