Qaar kamid ah xildhibaanada barlamaanka maamulka Waqooyi Bari Somalia, ayaa walaac ka muujiyey sax ahaanshaha lacagihii…

Qaar kamid ah xildhibaanada barlamaanka maamulka Waqooyi Bari Somalia, ayaa walaac ka muujiyey sax ahaanshaha lacagihii ay ka qaateen musharixiintii madaxweynaha iyo ku-xigeenada ee ka qabsoontay Laascaanood.
Xubno katirsan xildhibaanada oo warbaahinta si hoose ula hadlay ayaa sheegay inay jiraan lacago been abuur ah oo ka soo gaarey qaar kamid ah musharixiintii madaxweynaha dowlad goboleedka Waqooyi Bari.
“Kalabadh lacagtii sooryada ee aan ka qaatay musharaxa aan codka siiyey waxay noqotay mid aan been samays ah (False)”, Ayuu yiri mid kamid ah xildhibaanada Waqooyi Bari Somalia.
Xildhibaanadii doortay hoggaamiye Firdhiye iyo Abwaan ayaa dalxiis u aadey magaalooyin kala duwan, iyadoo qaarkood habeenimadii xalay lagu arkay Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, sida ilo xogagaal ah u xaqiijiyeen Horseed Media.



