Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland oo maalmihii la soo dhaafay ku shirsanaa Magaalada Garoowe ayaa soo…

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland oo maalmihii la soo dhaafay ku shirsanaa Magaalada Garoowe ayaa soo saaray War-murtiyeed ay faahfaahin kaga bixinayaan qodobadii ay ku heshiiyeen.
War-murtiyeedka oo uu warbaahinta u akhriyey afhayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa lagu soo dhaweeyey dagaalka kooxaha nabaddiidka ah iyo dedaalada dawlad dhiska guud ee dalka.
Jubbaland iyo Puntland waxay qaadeceen sheegeenna inaysan aqoonsanayn waxka bedelka lagu sameeyey dastuurka kumeel gaarka ah ee Somalia, waxaana ay sheegeen in hay’adaha DFS aysan awood u lahayn waxka bedelka qodobada aasaasiga ah ee dastuurka.
Waxay ugu baaqeen madaxda dowlad goboleedyada inay qabsadaan doorashooyinkooda aysanna qayb ka noqon hanaanka lagu wiiqayo dowladnimada Soomaaliya.