Shirweynaha Haweenka Puntland ayaa caawa si rasmi ah u soo gabagaboobay magaalada Garoowe, iyadoo warmurtiyeedkii laga…

Shirweynaha Haweenka Puntland ayaa caawa si rasmi ah u soo gabagaboobay magaalada Garoowe, iyadoo warmurtiyeedkii laga soo saaray lagu muujiyey taageero buuxda oo loo hayo ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad.
Warmurtiyeedka ayaa lagu bogaadiyey Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, hoggaaminta iyo doorka uu ka qaatay howlgalka ciribtirka argagixisada. Sidoo kale, shirku wuxuu ammaan u jeediyey ciidamada geesiyaasha ah ee ku sugan furimaha dagaalka, isagoo ku tilmaamay inay difaacayaan amniga, midnimada iyo jiritaanka Puntland.
Shirka ayaa bulshada Puntland ugu baaqay inay garab istaag buuxa siiyaan ciidamada, isla markaana la xoojiyo wadajirka bulshada iyo dowladda si loo xaqiijiyo guusha dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.
Warmurtiyeedka waxaa sidoo kale lagu adkeeyey muhiimadda ay haweenku ku leeyihiin nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta bulshada, iyadoo la sheegay in kaalintooda la sii xoojin doono si ay uga qeyb qaataan horumarinta Puntland.
Shirka ayaa ugu baaqay dowladda, isimada dhaqanka, culimada iyo dhammaan qaybaha bulshada inay iska kaashadaan ilaalinta amniga, dhowrista xuquuqda haweenka iyo horumarinta adeegyada bulshada, iyadoo la raacayo qiyamka diinta Islaamka iyo dastuurka Puntland.







