Doorashada dhexe ee Maraykanka ee 2026 ayaa gashay marxaladda tirinta codadka, kaddib markii ay xirmeen goobihii…

Doorashada dhexe ee Maraykanka ee 2026 ayaa gashay marxaladda tirinta codadka, kaddib markii ay xirmeen goobihii codbixinta ee gobollo kala duwan, iyadoo natiijooyinka hordhaca ah ay si tartiib-tartiib ah u soo baxayaan, waxaana doorashadaaan lagu kala ogaanayaa awoodda xisbiyada Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ee barlamaanka dalkaasi.
Senatarka xisbiga Dimuqraadiga Jon Ossoff ayaa difaacday kursigiisa gobolka Georgia, kaddib markii uu ka adkaaday musharraxii Jamhuuriga Mike Collins, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Associated Press (AP).
Tartanka Congress-ka oo ah qodobka ugu weyn
Labada xisbi ayaa ku loolamaya 435-ka kursi ee Aqalka Wakiillada (House of Representatives) iyo 35 ka mid ah 100-ka kursi ee Aqalka Senate-ka, iyadoo 36-da gobol ee Maraykanku ay dooranayaan guddoomiyayaal cusub ama dib u dooranaya kuwii hore.
Natiijooyinka guddoomiyeyaasha gobollada
Tartamada guddoomiyeyaasha gobollada ayaa iyaguna bilaabay inay soo baxaan. Xisbiga Dimuqraadiga ayaa guulo ka gaaray gobollo ay ka mid yihiin Illinois, Massachusetts, Maryland iyo Pennsylvania, halka natiijooyinka gobollo kale ay weli sugayaan dhammeystirka tirinta codadka. Georgia, musharraxa Dimuqraadiga Keisha Lance Bottoms ayaa sidoo kale loo saadaaliyey inay ku guuleysatay doorashada guddoomiyaha gobolkaas.
Goorma ayaa la ogaanayaa natiijada kama dambaysta ah?
Tirinta codadka ayaa sii socon doonta inta lagu jiro habeenka Talaadada iyo maalmaha xiga, iyadoo gobollada qaarkood ay qaadan karaan waqti dheeraad ah, gaar ahaan meelaha uu tartanku aadka isugu dhow yahay iyo codadka boostada lagu dhiibtay. Sidaas darteed, weli lama xaqiijin karo cidda guud ahaan la wareegi doonta aqlabiyadda labada aqal ee Congress-ka.




