Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalada Bariga dhexe.

21 March, 2026

Gudaha Israel tirada dadka waxyeeladu ka soo gaartey gantaalada Iran ee xarunta bacriminta hubka Yuhuudda ee…

Gudaha Israel tirada dadka waxyeeladu ka soo gaartey gantaalada Iran ee xarunta bacriminta hubka Yuhuudda ee Dimona ayaa gaartey 47 xilli warbaahintu baahisay burbur xooggan.

Tallabadaan ayaa imaanaysa xilli Maamulka Trump ayaa bilaabay uu qorshaynayo wadahadalo nabadeed oo lala yeesho Iran, in kasta oo dagaalka la filayo inuu sii socdo dhowr toddobaad oo kale.
Heshiis kasta oo uu u baahan yahay in dib loo furo marin biyoodka Hormuz, xaddidaadda barnaamijka nukliyeerka iyo gantaallada Iran, iyo joojinta taageerada kooxaha gobolka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Fidan ayaa sheegay in wadamada khaliijku ay si cad u sheegeen bilowgii dagaalka Iiraan inaysan ogolaan doonin in hawadooda iyo saldhigyada looga duulo Iran, isla markaana aysan iyagu isu haysan in ay dagaalka qayb ka yihiin.