Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalada ka socda Bariga Dhexe.

22 March, 2026

Taliska ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa shaaca ka qaaday in duqeymihii u dambeeyey ee ay ku…

Taliska ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa shaaca ka qaaday in duqeymihii u dambeeyey ee ay ku qaadeen Israa`iil, saldhigyada Mareykanka ee Khaliijkaba in loo adeegsado Drone-ta nooceeda layiraahdo Arash-2.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa dhankiisa ku hanjabay weeraro cusub oo lagu qaado goobaha quwada Korontada Iran, haddii aan la furin gacanka Hormuz-ka oo ay marto 20% Shidaalka aduunka iskaga guduba.

Saacadihii ugu dambeeyey diyaarad nooca Helicopter oo baacsanaysay Drone-ta Iran ayaa burburtay, iyadoo ay ku geeriyoodeen 6 ruux oo kamid ah ciidamada Milatariga dalka Qadar.

Dhanka kalena, Wakaaladda Mehr News Agency ayaa sheegtay in Iran ay beegsan karto xarumaha korontada ee dalalka Khaliijka sida Saudi Arabia, United Arab Emirates, Qatar, iyo Kuwait, oo dhammaan ujira masaafo gantaaladu gaari karaan.