Dagaalada u dhexeeya Maraykanka iyo Israel oo isku dhinac ah iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran…

Dagaalada u dhexeeya Maraykanka iyo Israel oo isku dhinac ah iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa galay maalintii 15aad iyadoo dhinacyadu isu adeegsanayaan dhammaan hubka casriga ah ee dagaalka.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraanayaa sheegay inay habeenkii Jimcaha fuliyeen weerarkii ugu xooganaa ee ay ku qaadaan Israa’iil tan iyo markii uu dagaalku billowday, iyagoo adeegsaday gantaallo ay ka mid yihiin Khorramshahr, Kheibar Shekan, Emad iyo Qadr laguna beegsaday Tel Aviv, Haifa iyo Caesarea.
Warbaahinta Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in gantaal ku dhacay gobolka Negev, halka shilal kale ay ka dhaceen magaalada Lod kadib markii ay ku dhaceen jajabyo gantaallo ah, uu ka dhashay khasaare kala duwan.
Dhanka kale, Ciidanka Difaaca Israa’iil ayaa sheegay inay weerareen in ka badan 150 bartilmaameed oo ku yaalla gudaha Iran, oo ay ku jiraan goobaha lagu kaydiyo gantaallada ballistikada ee galbeedka iyo bartamaha dalka.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ay fuliyeen mid ka mid ah duqeymihii ugu xooganaa ee taariikhda Bariga Dhexe, isagoo sheegay in gebi ahaan la burburiyay bartilmaameedyo militari oo ku yaalla Khark Island.




