Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogaystey.

Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ayaa mar kale cirka isku shareertay, iyadoo warbaahinta dowladda Iiraan…

14 July, 2026

Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ayaa mar kale cirka isku shareertay, iyadoo warbaahinta dowladda Iiraan ay sheegtay in qaraxyo laga maqlay jasiiradaha Kish iyo Qeshm, xilli Magaalooyinka Bushehr iyo Bandar Abbas Maraykanku ka fuliyey duqaymo culus.

Dhanka kale, Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday inay weerarro ku qaaday goobo ciidan oo Mareykanku ku leeyahay dalalka Kuwait iyo Bahrain, iyadoo sidoo kale sheegtay inay bartilmaameedsatay “markab cadowga Mareykanka” oo ku sugnaa gobolka. Ilaa hadda ma jiraan warar madax-bannaan oo si buuxda u xaqiijinaya khasaaraha ama baaxadda weerarradan.

Warbaahinta Mareykanka ayaa dhankeeda sheegtay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu si rasmi ah ugu wargeliyay Golaha Kongareeska in Wasaaradda Difaaca (Pentagon) ay dib u billowday weerarrada militari ee ka dhanka ah Iiraan.

Warqad uu diray 10-kii Luulyo ayuu ku sheegay in hawlgalladu ay bilowdeen 7-dii Luulyo, isla markaana ay yihiin tallaabo uu ku sheegay inay waafaqsan tahay mas’uuliyaddiisa ilaalinta muwaadiniinta Mareykanka iyo danaha qaranka.

“Howlgallada Millateri ee ka dhan ah Iiraan waxa ay soconayaan ilaa saddex todobaad, waxaan beegsanaynaa xarumaha barnaanijka Nukliyeerka, xayiraad ayaanna saaraynaa Iiraan”, Ayuu yiri Donald Trump.