Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Cal-miskaad.

25 February, 2025

Wangable oo ah goob ku wanaagsan isqarinta iyo difaaca ayaa leh biyo dabiici ah, waxaana ilo wareedyo dhanka ammaanka ah xaqiijiyeen in la geeyey xaasaskii Daacish.

Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa weli kujira hawlgalka Hillaac ee lagu soo afmeerayo malayshiyaadka nabadiidka ah ee Daacish oo muddo sanado ah ku dhuumaalaysanayey buuraleeyda Cal-miskaad.

Hawgalladii ugu dambeeyey ayaa ciidamadu ku qabteen deegaanka Kayaxa iyo Sheebaab oo ahayd xaruntii looga arrimin jirey guud ahaan Daacishta Soomaaliya sida ka muuqata macluumaadka loogu tegey goobtaasi.

Dhammaan kooxda Daacish oo lagu naafeeyey dagaalo cir iyo dhul ah lagana diley boqolaal dagaalamayaal ajaaniib ah ayaa la rumaysan yahay inay ka huleeleen togga Jacayl isla markaana ay isku urursadeen dhanka degmada Qandala goobo ku yaalla, gaar ahaan Ceelka Wangable.

Dhanka kalena ciidamada Puntland ayaa hawlgallo dhinaca badda ah ka sameeyay Buruc iyo deegaannada u dhow ee Badda teedsan, waxay ugaarsanayaan firxadka Argagixisada Daacish.

Saraakiisha ciidamada hormuudka u ah ayaa tilmaamay inaysan ka hari doonin ilaa qofka ugu dambeeya ee Daacish is dhiibo ama uu ku boxo gacanta ciidamada, waxaana ay shacabka ugu baaqeen inay feejignaadaan maadaama firxadku doonayaan inay bulshada ku dhex dhuuntaan.