Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Baydhabo & Ciidankii Buurhakaba oo dhaqaaqay.

Xildhibaannadii xalay la soo xuley ee Koonfur Galbeed Somalia ayaa la dhaariyey, isla hadda waxay dooranayaan…

28 March, 2026


Xildhibaannadii xalay la soo xuley ee Koonfur Galbeed Somalia ayaa la dhaariyey, isla hadda waxay dooranayaan Guddoonkooda, iyada guddiga doorashadu mid furan ka dhigeen doorashada Madaxweynaha oo markale loo saadaalinayo Lafta-gareen.

Dhanka kalena, qaar kamid ah ciidamadii dawladda Faderaalka ay iskugu geysay Buurhakaba ayaa hadda u dhaqaaqay dhinaca Baydhabo, waxay sheegayaan in ay jid fur yihiin oo ay lugta maalin doonaan ilaa Baydhabo.

4 sano kahor madaxweyne Xassan Sheikh ayaa dood adag ka qabay sababta DF ciidan ugu daabushay Baydhabo, una furi weyday jidka u dhaxeeya Muqdisho & Baydhabo, waana arrin maanta markale hortaagan Madaxweynaha.