Wararkii ugu dambeeyey ee duqaymaha Maraykanku ka fuliyey Iran.

22 June, 2025

Diyaaradaha dagaalka dowladda Maraykanka ayaa habeenimadii xalay weeraro ku qaaday saddex kamid ah goobaha kaydka Nukliyeerka…

Diyaaradaha dagaalka dowladda Maraykanka ayaa habeenimadii xalay weeraro ku qaaday saddex kamid ah goobaha kaydka Nukliyeerka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, sida uu caddeeyey Madaxweyen Donald Trump.

Trmup, waxa uu sheegay in diyaaradaha dagaalka dalkiisu ay ku guulaysteen fulinta duqaymahaasi iyagoo si nabad ah ugu soo laabtay talisyadooda, inkastoo Iran ay shaacisay inuusan jirin wax khasaare ah oo s0o gaarey goobaha la duqeeyey.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa ku tilmaamay weerarka Maraykanka mid si weyn u jabinaya xeerarka caalamiga ah, loona baahan yahay in dunidu ka fiirsato waxa socda xilligaan.

“Maraykanku oo ah xubin rasmi ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, wuxuu si cad ugu xadgudbay Axdiga QM, sharciga caalamiga ah, iyo heshiiska NPT, isagoo weeraray xarumo nukliyeer oo nabadeed oo Iran leedahay.”