Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar cirka ah oo Israa’iil ku qaadday saldhigyo ciidan,…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar cirka ah oo Israa’iil ku qaadday saldhigyo ciidan, goobo lagu bacrimiyo hubka Nukliyeerka iyo xarumo dowladeed oo kuyaal caasimadda Iran ee Tahran.
Milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyey in weerarkaan lagu diley saraakiishii ugu sarraysay ciidanka Iran, Saynisyahano iyo xubno sarsare oo katirsanaa Kacaanka Iran.
“Weli waan wadnaa weerarka Iiraan, waxaan beegsannay saldhigyadooda nukliyeerka & taliyaashooda, 200 oo diyaaradood ayaan ku weerarnay waxaana ku dhufannay 300 oo bam – Ma haysan karaan Nukliyeer.”, Ayuu yiri Af-hayeenka Ciidanka Israa’iil.
Saraakiisha la diley waxaa kamid ah Hossein Salami, Taliyihii Guud ee Ilaalada kacaanka Islaamiga ah Gholamali Rashid, Taliyihii Xarunta Dhexe ee Khatam-al Anbiya, Fereydoon Abbasi, Saynisyahan cilmiga Nukleerka, islamarkaana horay u soo noqday madaxa Ururka Tamarta Atomikada Mohammad Mahdi Tehranchi, Saynishan kale oo cilmiga Nukleerka, Mohammad Bagheri, Abbaandulihii Ciidamada Qalabka Sida ee Iran.
Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa soo ridey in ka badan 100 diyaaradaha Drones-ka oo Iran ku weerartay wadanka Israa’iil, inkastoo xukuumadda Tehran ku adkaysanayso inay weerari doonto Yuhuudda iyo dhammaan saldhigyada Maraykanka ee Bariga Dhexe.
Boqortooyada Sucuudi Careebaya ayaa cambaaraysay weerarka lagu qaaday Iran, halka inta badan dalalka Carabtu xirteen hawadooda si aan looga weerarin Israa’iil marka laga reebo Yemen oo Xuutiyiintu duqaymo kaga bilaabeen Yuhuudda si ay Iran ugu aar gudaan.
Israa’iil ayaa adkaysay isla markaasna ciidan dheeraad ah & difaacyo hor leh u samaynaysa safaaradeheeda dunida, waxaana Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi ugu baaqay shacabka inay galaan goobo gabbaad ah maadaama dagaalku dabo dheeraan karo.
Halku dhigga Yuhuudda ee Weerarkaan ayaa ah inaysan Iran haysan karin wax hub Nukliyeer ah iyo inay dunida qurux badan tahay Iiraan La’aan sida ay lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta X ee Milatariga Yuhuudda.



