Wararkii ugu dambeeyey ee hawlgalka Hillaac ee Cal-miskaad.

17 March, 2025

Ciidamada difaaca dowladda Puntland ee ku sugan buuraleeyda Cal-miskaad ayaa fashiliyey weerar ay habeenimadii xalay rag…

Ciidamada difaaca dowladda Puntland ee ku sugan buuraleeyda Cal-miskaad ayaa fashiliyey weerar ay habeenimadii xalay rag katirsan Daacish ku soo qaadeen saldhig kuyaal deegaanka Xabley oo katirsan degmada Ufayn.

Saraakiil katirsan ciidamada ku sugan Xabley ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in weerarkaan ay ku doonayeen inay ku joojiyaan duulaanka ku wajahan saldhigoodda Miiraale iyo dib u qabsashada ceelbiyood horay looga qabsaday oo kuyaal Xabley.

Maanta oo Isniin ah ayaa ciidanku sii wadaan hawlgallo xooggan waxaana ay ku sii dhawaanayaan agagaarka Miiraale oo hay’adaha sirdoonku sheegeen inay yihiin aagagga ugu muhiimsan ee xilligaan Daacish isku urursanayso kadib jabkii Togga Jacayl.

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay gacanta ku dhigay saldhigyo, saanad, hub, sahay, gaadiid iyo agabyo kale oo ay Daacish ku qarisay dhulka hoostiisa.