Wararkii ugu dambeeyey ee kulamada Garoowe uga socda madaxda Puntland iyo Jubbaland.

24 June, 2025

Madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo dhiggiisa Jubbaldn Axmed Maxamed Islaam ayaa isfaham hordhac ah ka…

Madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo dhiggiisa Jubbaldn Axmed Maxamed Islaam ayaa isfaham hordhac ah ka gaarey kulamo ay 72-dii saac ee la soo dhaafay ku yeesheey qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Labada dhinac ayaa isla qaatay inay isku mawqif ka noqdaan arrimaha siyaasadda dalka, doorashooyinka & dastuurka kumeel gaarka ah ee Somalia oo ay waxka bedel ku samaysay DFS, ayaga oo soo saaraya war-murtiyeed wadajir ah oo ku aadan siyaasadda dalka ayna kaga soo horjeedaan tallaabooyinka ay qaadday Villa Somalia.

Xubnaha siyaasiyiinta Mucaaridka oo ay kujiraan madax hore ayaa Muqdisho kaga dhawaaqay go’aan ka dhan ah doorashada qof & codka ah ee Villa Somalia iyagoo dalbaday hanaan laysku waafaqsan yahay in dalka lagu hago marka la gaaro 2026.

Madaxweyne Deni ayaa siweyn loo hadal hayaa inuu markale quuddarraynayo xilka madaxweynaha Somalia, halka madaxda DFS ay weli haystaan maamulada KGS, Galmudug & Hirshabeelle oo ay u samaysay muddo-kordhin iyo SSCKhaatumo oo ay siisey aqoonsi maamul-goboleed oo dhammaan doonaya doorashooyin qof iyo cod ah.