Wararkii ugu dambeeyey ee Magaalada Muqdisho.

Xaalad degganaansho ayaa maanta laga dareemayaa Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia, kadib iska horimaadyo iyo xiisado…

6 June, 2026

Xaalad degganaansho ayaa maanta laga dareemayaa Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia, kadib iska horimaadyo iyo xiisado amni oo muddo laba maalmood ah u dhexeeyay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo ciidamo taabacsan qaar kamid ah mucaaradka.

Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqii ciidamada oo aad u xooganaa maalmihii la soo dhaafay uu yaraaday, iyadoo waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho dib loogu arkayo isu socodka gaadiidka iyo shacabka lagana qaaday ciidamadii dagaalamay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyo Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Khayre, ayaa dib ugu laabtay guryahooda ku yaalla deegaanka Xalane ee Muqdisho, kadib dadaallo iyo waan-waan socday oo looga gol lahaa dejinta xaaladda amni ee magaalada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda shaacisay in la soo gabagabeeyay hawlgal amni oo ay ku tilmaantay mid ka dhan ahaa “maleeshiyaad nabad-diid ah” oo isku dayay inay qalalaase ka abuuraan Muqdisho ayna ciidankeeda ammaanku ku guuleysteen sugidda amniga iyo ka hortagga falal khatar gelin lahaa xasilloonida caasimadda.

Dhanka kale, beesha caalamka ayaa sii wadday dadaallada lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed ee dalka. Wararka ayaa tilmaamaya in saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ay cadaadis ku saarayaan dowladda iyo mucaaradka inay miiska wada-hadalka isugu yimaadaan si xal looga gaaro murannada taagan, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, hannaanka siyaasadda iyo mustaqbalka geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.