Wararkii ugu dambeeyey ee muranka ka dhashay khidmadaha lagu soo rogey dekedda Boosaaso.

Deegaamada Puntland waxaa maalmihii la soo dhaafay siweyn looga hadalhayaa hakad ku yimid dhaqdhaqaaqii ganacsi ee…

16 July, 2026
Dekadda Bosaso

Deegaamada Puntland waxaa maalmihii la soo dhaafay siweyn looga hadalhayaa hakad ku yimid dhaqdhaqaaqii ganacsi ee dekedda degmada Boosaaso kadib muran ka dhashay khidmadaha cusub ee lagu soo rogay maraakiibta iyo doonyaha isticmaasha dekedda.

Ganacsatada iyo qaar ka mid ah shirkadaha maraakiibta ayaa cabasho ka muujiyay khidmadaha cusub ee lagu kordhiyay adeegyada dekedda, iyagoo sheegay in lacagahaasi kordhinayaan kharashka soo dejinta iyo dhoofinta dekedda Magaalada Boosaaso, taasi oo saamayn ku yeelanaysa qiimaha maciishadda suuqyada Puntland iyo qaybo kamid ah Somalia.

Qaar kamid ah ganacsatada Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ayaa xiray xarumohooda ganacsi, iyagoo u sababeeyey saamaynta kaga timid hakadka ku yimid dhaqdhaqaaqa qaybo kamid ah dekedda Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Xukuumadda Puntland ayaa dedaal ku bixisay sidii xal looga gaari lahaa muranka taagan, iyadoo ay Boosaaso ka dheceen kulamo dhowr ah oo dhexmaray masuuliyiinta dowladda iyo wakiillo ka socday ganacsatada, hase yeeshee kulamadaasi kama soo bixin is-afgarad rasmi ah oo ilaa hadda dhinacyadu shaaciyeen.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si cad uga jawaabay wararka la isla dhexmarayay ee sheegayay in Dekedda Boosaaso ay xiran tahay, ayaa sheegay in warkaasi uusan sax ahayn, isagoo xusay in dekeddu ay shaqaynayso, xoolahana ay ka dhoofayaan, shidaalkuna uu si caadi ah uga soo degayo, sidoo kalena maraakiibtu ay weli ku xiranayaan dekedda.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray inaysan jirin cashuur lagu soo rogey ganacsatada Puntland haseyeeshee ay jiraan khidmado la saaray maraakiibta iyo doonyaha ku xirta dekedda Boosaaso, isagoo xusay in lacagtaasi lagu bixin doono ballaarinta dekedda, sida uu hadalka u dhigay.

Shacabka ayaa siweyn u dareemay kororka qiimaha maciishadda oo ay ganacsatadu u arkeen fursad dhaqaale abuur, maadaama lagu eedeeyey inay qaaliyeeyeen badeecooyinkiii horay ugu yiilleey goobohooda ganacsiga oo ka horreeyey muranka ka dhashay khidmadaha cusub.

Dekedda Boosaaso ayaa waxaa ka soo dega badeecooyin loo qaado Puntland, Waqooyi Bari, Itoobiya, gobolada dhexe iyo qaybo kamid ah Koonfurta Somalia oo gaadiidaka xamuulka ugu kala gooshaan si joogto ah.