Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda deegaanka Laag ee duleedka Boosaaso.

Xaaladda deegaanka Laag ee duleedka Magaalada Boosaaso ayaa saaka deggan kadib dagaallo goos goos ah oo…

21 July, 2026

Xaaladda deegaanka Laag ee duleedka Magaalada Boosaaso ayaa saaka deggan kadib dagaallo goos goos ah oo gelinkii dambe ee shalay ku dhexmaray ciidamo katirsan PSF iyo kuwa Daraawiishta Puntland oo ku sugnaa duleedka Laag.

Saraakiil katirsan ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa saaka warbaahinta u sheegay in ciidamadii PSF ay xalay gudoodi kaga bexeen deegaanka ayna goobta uga tageen tiro gaadiid dagaal ah oo hubkii lagala degey, meydka hal askari oo shalay geeriyoodey iyo dhawr askar ah oo la sheegay inay isu-dhiibeen ciidamadii goobta ku sugnaa.

Ilaa hadda lama xaqiijin halka ay ku sugan yihiin ciidamadii saarnaa gaadiidka goobta loogu tegey mana jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay taliska ciidamada PSF ee dhawaan ku biiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qaybtooda ku sugan deegaamada Puntland.

Dhanka kalena, degmada Xaafuun ee gobolka Bari waxaa xalay ka dhacday israsaasayn u dhexaysa ciidamo katirsan PSF iyo PMPF, iyadoo la xaqiijiyey in lala wareegey laba gaari oo ay leeyihiin ciidamada badda Puntland ee ku sugnaa deegaan xeebeedka Xaafuun.