Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda ka taagan furimaha dagaalka Baydhabo.

Kumanaan katirsan ciidamada kala duwan ee dowladda Somalia iyo kuwa mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa saaka ku…

30 March, 2026

Kumanaan katirsan ciidamada kala duwan ee dowladda Somalia iyo kuwa mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa saaka ku waaberiistey duleedka Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ciidamadaan oo shalay ka soo ruuqaansaday degmada Buurhakaba lana sheegay inay weerar jid-gal ah kala kulmeen kooxda Alshabaab ayaa ugu dambayn gacanta ku dhigay deegaanka Daynuunaay ee duleedka Magaalada Baydhabo.

Ilo wareedyo Madax-banaan ayaa HM u xaqiijiyey in ciidanka dhanka dowladda iyo kuwa Madaxweyne Lafta-gareen ay isu jiraan masaafo kooban saacad walbana laga cabsi qabo dagaal ka qarxay duleedka Magaalada Baydhabo xilli dhinacyadu isugu hanjabayaan dagaal xooggan.

Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Africa, urur goboleedka IGAD iyo diblumaasiyiin kale ayaa dhinacyada ugu baaqay inaysan qaadan tallaabo dagaal wada-hadalna lagu dhammeeyo xiisadda ka taagan duleedka Magaalada Baydhabo oo xarun kumeel gaara u ah Maamulka Koonfur Galbeed.