Wakaaladda Wararka Itoobiya ee FANA ayaa ku warrantay in Itoobiya aysan diiddanayn inay Soomaaliya ka hesho…

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee FANA ayaa ku warrantay in Itoobiya aysan diiddanayn inay Soomaaliya ka hesho marin ay uga faa’iidaysato badda, iyadoo arrintaasi lagu saleeyo heshiis iyo habraacyo la isla oggol yahay, kadib soo jeedin uu dhawaan sameeyey Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Fana ayaa soo xigatay wareysi Xasan Sheekh uu siiyey Al Jazeera, kaas oo uu ku sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu yahay mid wanaagsan, isla markaana Soomaaliya aysan wax diidmo ah ka qabin in Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ay hesho marin badeed, ayaa tallaabadaasi ku tilmaantay mid ahmiyad gaar ah leh Itoobiya ayna siweyn u soo dhaweynayso xukuumadda Addis Ababa ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo saaxiib dhaw la ah Madaxda Soomaaliya.
Warbixinta wakaaladda FANA ayaa u aragta arrintaan mid sii xoojinaysa xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ah, gaar ahaan iyadoo labada dowladood ay muddo dheer isku hayeen arrinta marin-badeedka Itoobiya, siweynna u xoojin doonta heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee 2024.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Badda Cas ay tahay marin istiraatiiji ah oo muhiim u ah dhaqaalaha iyo amniga Soomaaliya, isla markaana dalalka ku hareeraysan Badda Cas iyo waddamada kale ee danaha amni ku leh marin-biyoodka ay muhiim tahay inay is fahmaan.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Somalia ayaa ku baaqay in khilaafaadka gobolka lagu xalliyo wada-hadal iyo heshiisyo, halkii loo adeegsan lahaa xoog ama lagu xadgudbi lahaa madax-bannaanida dalalka, isagoo caddeeyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay Itoobiya u oggolaato isticmaalka laba ama saddex dekedood oo Soomaaliyeed, si ay uga soo dejisato ugana dhoofiso badeecadaha, iyadoo faahfaahinta isticmaalka dekedaha, khidmadaha iyo shuruudaha kale lagu heshiin doono.




