War cusub oo walaac ku abuuray amniga gobolka ayaa ka soo baxay Yemen, kaddib markii ciidamada…

War cusub oo walaac ku abuuray amniga gobolka ayaa ka soo baxay Yemen, kaddib markii ciidamada dowladda Yemen iyo xoogagga ka dagaallama Xuutiyiinta ay sheegeen in meydadka Soomaali lala xiriiriyay Al-Shabaab laga dhex helay dagaalyahannadii Xuutiyiinta ee lagu dilay dagaalladii ka dhacay galbeedka Yemen.
Sida ay qortay The National, ciidamada iska-caabinta Qaranka ee Yemen oo ka soo horjeeda Xuutiyiinta ayaa sheegay in meydadka Soomaalida lagu aqoonsaday dukumiintiyo iyo alaab ay wateen, taasi oo muujinaysa xiriirka sii xoogeysanaaya ee u dhexeeya Xuutiyiintaay Iran taageerto ee dalka Yemen iyo kooxaha hubeysan ee ka howlgala Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.
Warbixintu waxay xustay in xiriirka u dhexeeya Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta uu soo shaac baxay tan iyo 2024, iyadoo Al-Shabaab lagu eedeeyay inay Xuutiyiinta ka raadinaysay hub ay ka mid yihiin gantaallada lidka diyaaradaha, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo hub garabka laga rido, si ay ugu gudubto dagaalka Tiknoolojiyadda ku dhisan ee caalamka.
Warbixin ay dhawaan soo saartay Century Foundation ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xuutiyiintu dhiseen shabakado tababaran oo qaab tahriib ah uga gudba Badda-Cas kuna fida Geeska Afrika, iyadoo ujeedadu tahay in laysku xiro dhaqdhaqaaqyada Islaamiyiinta gobolka iyo kooxda awoodda badan ku leh dalka Yemen ee Iiraan taageerto, oo muddooyinkii dambe siweyn u saameeyey dhaqdhaqaaqa gacanka Cadmeed.
Xogaha ayaa sheegaya in xiriirka Alshabaab iyo Xuutiyiinta Yemen uusan ku ekayn iswaydaarsiga hubka haseyeeshee ay jiraan dagaalyahanno Al-Shabaab ah oo lagu arkay gudaha Yemen iyagoo ka barbar dagaallamaya Xuutiyiinta, iyadoo warbixintu sheegayso in dhacdadaan markii labaad lagu arkay gudaha dalka Yemen.
Dhanka kale, dagaallada u dhexeeya Xuutiyiinta iyo ciidamada dowladda Yemen ayaa toddobaadyadii u dambeeyay si weyn u kordhay, iyadoo dagaallo culus laga soo sheegay xeebaha galbeed iyo agagaarka Hodeidah, waxaana warbixinadii ugu dambeeyey sheegayaan in tobannaan qof lagu dilay iska horimaadyada, taas oo muujinaysa in xabbad-joojintii muddada dheer jirtay ay si weyn u wiiqantay.
Kooxaha ku sugan Geeska Africa ayaa muddooyinkii dambe bilaabay inay siweyn ugu xirmaan kooxaha argagixisada Caalamku u aqoonsan yahay, iyadoo dagaaladii ay ciidanka difaaca Puntland Daacish kula galeen buuraleeyda Calmiskaad ee gobolka Bari siweyn looga dareemay adeegsiga tiknoolojiyadda casriga ah ee dagaalka gaar ahaan diyaaradaha qaraxyada xambaara, adeegsiga qalabka basaaska, farsamaynta buddooyinka qaraxyada iyo horumarinta gantaalaha riddada dheer oo loogu tegey deegaamadii lagu jebiyey kooxda Daacish.
Puntland waxay sheegtay in laga hortegey khatar xooggan oo ku soo wajahnayd guud ahaan gobolka Geeska Africa, iyadoo qorshaha Daacish uu ahaa inay muddo laba sano gudohood ah isku ballaariyaan dalalka kuyaalla gobolka isla markaana ay tijaabiyaan awooddooda ciidan iyo midda tiknoolojiyadda dagaalka kahor inta aysan awood ku muquunin ciidanka difaaca Puntland muddadii uu socdey hawlgalka Hillaac.




