Ilhaan Cumar oo ku baaqday in Mareykanku ku biiro Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ICC.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa soo bandhigtay qaraar ku baaqaya in…

17 July, 2026

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa soo bandhigtay qaraar ku baaqaya in Mareykanku si rasmi ah ugu biiro Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC), iyadoo si adag uga hortimid dadaallada Madaxweyne Donald Trump ee lagu wiiqayo maxkamadda.

Qaraarkan ayaa yimid maalmo kaddib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, uu sheegay in maamulka Trump uu doonayo inuu “burburiyo ICC xabbad-xabbad”, isagoo tilmaamay in dowladda ay adeegsan doonto dhammaan awoodaha ay haysato si ay u wiiqdo shaqada maxkamadda.

Ilhaan Cumar ayaa qaraarkeeda ku dalbatay in Mareykanku ansixiyo Rome Statute, oo ah heshiiska lagu aas-aasay ICC, si dalkaasi u noqdo xubin rasmi ah oo ka tirsan maxkamadda. Waxay sidoo kale ugu baaqday maamulka Trump inuu ka qaado cunaqabateynta iyo xayiraadaha fiisaha ee lagu soo rogay saraakiisha ICC.

Qoraal ay soo saartay, Ilhaan Cumar oo asal ahaan kasoo jeedda Soomaaliya ayaa sheegtay in ku biirista ICC ay xoojin doonto cadaaladda caalamiga ah iyo isla xisaabtanka. Waxay tiri: “Haddii aan dhab ahaan aaminsannahay xuquuqda aadanaha iyo sarreynta sharciga, waa inaan xoojinnaa cadaaladda caalamiga ah, ee ma aha inaan wiiqno. Mareykanku waa inuu tusaale wanaagsan noqdaa, isagoo muujinaya inaan qofna ka sarreyn sharciga.”

Qaraarkan ayaa la filayaa inuu dood ka dhex abuuro Kongareeska Mareykanka, maadaama maamulka Trump uu si joogto ah u dhaliilo ICC, halka qaar ka mid ah xildhibaannada Dimuqraaddiga ay u arkaan maxkamadda hay’ad muhiim u ah la dagaallanka dambiyada dagaalka iyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.