Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku yimi Gaalkacyo ayaa ayaa xarigga…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku yimi Gaalkacyo ayaa ayaa xarigga ka jaray mashaariic laga hirgeliyey Galkacyo, isagoo dhagax dhigay kuwa cusub, kormeerna ku sameeyey qaar kamid ah xarumaha danta guud ee Galkacyo.
Ugu horrayn Madaxweynaha ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee Isbitaalka guud ee Magaalada Galkacyo, isagoo markii danbena warbixin ka dhegaystay Maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaalka, kormeer ka ayaa daaranaa labo arrimood oo kala ah daycatirka iyo horumarinta Isbitaalka iyo in xal-waara looga sameeyo Biyaha Isbitaalka soo gala.


Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kujira safarkiisa waxa uu maanta si rasmi ah xariga uga jaray dhismaha cusub ee Taliska Qeybta Booliiska ee Gobolka Mudug oo ay maalgelisey dowladda Imaaraadka Carabta.


Ugu dambayntiina Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhagax dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Garsoorka ee Gobolka Mudug oo ah mid siweyn loogu baahi qabay dayac xoogganna ka muuqdey.





