Warbixin: Safarka Madaxweynaha Somaliland ee Falastiin & Israa’iil.

16 June, 2026

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Israa’iil, booqasho diblumaasiyadeed…

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Israa’iil, booqasho diblumaasiyadeed oo ka miisaan sarraysa dhammaan booqashooyinkii madaxda Maamulkaasi caalamka ku aadi jireen caalamka tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka madax-banaan tahay Somalia inteeda kale sannadkii 1991-kii.

Madaxweyne Cirro ayaa markii uu gaadhay Israa’iil waxaa si heer sare ah u soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Tel Avivi, iyadoo warbaahinta caalamku ay siyaabo kala duwan uga warrantay socdaalkiisa oo ku soo aaday xilli ay xiisado colaadeed ka taagan yihiin mandaqadda Bariga Dhexe.

Intii uu socday safarku, Madaxweyne Cirro waxa uu kulamo kala duwan la yeeshay madaxda sare ee Israa’iil, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka siyaasadeed, amniga, dhaqaalaha iyo iskaashiga tiknoolajiyadda, sida lagu xusay bayaano kala duwan oo ka soo baxay aqalka Madaxtooyada ee Maamulka Somaliland.

Cirro, waxa uu kulankiisii ugu sarreeyey la yeeshay Raysal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, waxaana la shaaciyey inay ka arrinsadeen xiriirka labada dhinac, iyagoo isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la abuuro iskaashi waara oo ku salaysan dan-wadaag iyo is-ixtiraam.

Waxa uu uga mahadceliyey tallaabadii ay xukuumadda Israa’iil Somaliland ugu aqoonsatay dowlad madax-bannaan 26-kii Diseembar 2025, kadib muddo ka badan 36 sano oo aysan Somaliland caalamka ka helin ictiraaf ay albaabbo badan u garaacday una qaadatay go’aamo ka hor imaanayey midnimada dhuleed, dadeed iyo dowladnimo ee guud ahaan Somalia.

Madaxweyne Cirro oo doonaya inuu ka abaal-celiyo aqoonsiga Israa’iil waxa uu qalinka ku duugey Baaqa Istaraatiijiyadeed ee Iskaashiga Somaliland iyo Israa’iil, kaas oo dhigaya aasaaska iskaashi qoto dheer oo labada dal ka yeeshaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, amniga, beeraha, biyaha, caafimaadka iyo tiknoolajiyadda casriga ah.

Kadib markii uu waqtigii ka dhammaaday hay’adihii dastuuriga ahaa ee Somalia ayna meesha ka baxday fursaddii diblumaasiyadeed ee Somalia, waxay Somaliland fursad u heshay inay markii ugu horraysay si rasmi ah u daah-furatay Safaaradda ay ku yeelanaysa magaalada Jerusalem, oo ay siweyn u cambaareeyeen dalalka Islaamka maadaama ay tahay Magaaladaasi dhul lahaysto oo caasimad u ah Falastiin.