Mas’uuliyiin ka socda Mareykanka iyo Iiraan ayaa bilaabay wadahadallo lagu xoojinayo heshiis ku meel gaar ah si loo soo afjaro dagaalka.

Labada wafdi ee Mareykanka iyo Iiraan ayaa maanta oo Axadd ah ku sugana Switzerland si ay wadahadallo u yeeshaan.
Waftiga Mareykanka waxaa hoggaaminaya Madaxweyne ku xigeenka JD Vance, kaasoo yimid subaxnimadii Axadda.
Waftiga Iiraan, oo uu hoggaaminayo Afhayeenka Baarlamaanka Bagher Qalibaf, ayaa goor hore gaaray halkaas.
Wadahadallada ayaa diirada lagu saarayaa xiisad ka taagan Gacanka Hormuz, oo Iiraan ay sheegtay inay xireyso kadib weerarradii Israa’iil ay ka geysatay Lubnaan.
Hezbollah iyo Israa’iil ayaa midba midka kale ku eedeynaya inuu jebiyay xabbad joojinta.
Israa’iil waxay sheegtay inay sii joogi doonto ‘aagga’ koonfurta Lubnaan.
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance, ayaa ammaanay “shirkii taariikhiga ah” ee dhex maray wakiillada Mareykanka iyo Iiraan si loo hirgeliyo Heshiiska Is-afgaradka ah.



