Wareegii labaad ee wadahadalka Nukliyeerka Iran iyo Mareykanka oo ka dhacaya caasimadda Rome

19 April, 2025

Waxaa maanta oo Sabti ah magaalada Rome ee caasimadda dalka Talyaaniga ka furmaya wejigii labaad ee wada-hadallada u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan ee ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka Iran.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Abbas Arakchi iyo ergeyga Mareykanka ee bariga dhexe Steve Witkoff ayaa ka qeyb galaya wadahadalka maanta, kaasoo ay dhexdhexaadineyso Saldanada Cumaan.

Wadahadallada maanta ayaa ah kii labaad oo heer sare ah oo ay yeeshaan labada dal tan iyo markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Washington uga baxay heshiiskii taariikhiga ahaa ee 2018-ka, kaasoo dhigayay in la khafiifiyo cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran Iran si loogu beddelo xannibaadaha barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Trump ayaa Khamiistii yiri “kuma degdegayo in aan qaado tillaabo militari, waxay ila tahay in Iran ay doonayso wadahadal.”

Horseed Media