Isimada Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli oo go’aamiyey in Somaliland dagaal laga saaro Somaliland

Warmurtiyeed kasoo baxay shirkii Badhan ee Xaaladda Ceerigaabo
Waxaa maanta warmurtiyeed kasoo baxay Shirkii magaalada Badhan uga socday Isimada, Waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha gobolada Sool iyo Sanaag, kaasi oo lagaga arrinsaneyey xiisadda Colaadeed ee ka taagan degmada Ceerigaabo.
Isimada Dhaqanka ee gobolada Sool iyo Sanaag oo uu hogaaminayo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo isimada kale ayaa isku raacay in jawaab degdeg ah laga bixiyo duulaanka ay Somaliland kusoo qaaday Ceerigaabo, taasi oo laga barakiciyey bulshadii deganayd.
Shirka ayaa lagu go’aamiyey in la magacaabo 21 xubnood oo fulin doona go’aannada shirka iyo in magaca Harti lagu galo dagaalka lagaga soo horjeedo Somaliland oo 30 kii sanno ee u danbaysay gacanta ku haysay Ceerigaabo.

Horseed Media