Warqada Israa’iil ama Netanyahu qoray laguma kala goyn karo dalka- Madaxweyne Xasan Shiikh (Video)

8 January, 2026

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo caawa khudbad soo jeediyey ayaa sheegay in Israa’iil ay go’adoon tahay, isla markaana Netnayahu uu yahay nin caalamka eedaysane ka ah, warqad ay qoreena aan lagu kala goyn karin wadanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay wadan madax-banaan oo mid ah, isla markaana Israa’iil ay dooneyso dagaalkeeda iyo dhul-boobkeeda usoo rarto Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

“…Dagaaladii Sool ee 2023, waxay astaan u ahaayeen sida aanu Nidaamka ka jira gobaladda waqooyiga ay wadada nabad uga lumay, waxaa dad waaweyn oo madax iyo dhaqan ah ay makhaati iiga yihiin, inta aan ergo iyo codsi u dirnay in dagaalka Laascaanood la joojiyo oo wadahadal la aado, nasiib daro nalama dhageysan, natiijadii ka dhalantayna waa u wada joognay…” ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbadiisa kusoo qaatay dagaaladii ka dhacay gobalka Sool.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay heshiiskii sharci darada ahaa ee Somaliland la gashay Itoobiya, “…MOU sida lama filaanka ah dig loo soo siiyey iyadoo wadahadalo yidadiilo leh noo socdaan, balamo aan dhiganay, wuxuu ahaa wado kale oo lagu lumay, illaa markii danbe aanu iska afgaranay dowladii shisheeye (Itoobiya) ee darafka ka ahayd, walaalaheena (Somaliland) ay ka adkeysteen inaan iska afgarano MOU-gii…”

Xasan Shiikh oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “…Maanta, waxaa markale noo cadaatay sida maamulka Hargeysa ugu nugul yahay damaca shisheeye, markii ay Israa’iil aqoonsi ka raadiyeen oo iyaduba go’adoon ah, kuna caanbaxday boobka, baro-kicinta, xasuuqa dadka reer Falastiin, taas oo ah wax qofkasta oo damiirleh ka murugooday…”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu markale cadeenayo in “..Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ay tahay dal XOR ah, MID ah, dhulkiisa aan lagu kala goyn karin warqad ay Israa’iil qortay ama Netanyahu saxiixay, oo isagaba eedaysane caalamka ka ah…”

Ujeedada “aqoonsi ku sheegaas” maaha danta dalkeena iyo dadka deegaanadaas ku nool ee waa danta Israa’iil oo raadineysa dhul ay isku balaariso, oo ay si “sharci daro” ah ugu soo rarto shacabka reer Falastiin ee dhulkooda ay boobtay, kana dhisto saldhigyo militari oo khal-khal geliya amniga gobalka Geeska Afrika, ayuu yiri Madaxweyne Xasan.