Wax-soosaarka Warshadda Kalluunka Bareeda Tuna Fish ayaa si rasmi ah maanta looga daahfuray magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Bari, xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso, Isimo, waxgarad, ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Ka qaybgalayaashu waxay soo dhaweeyeen shirkadda Bareeda Tuna Fish iyo wax-soosaarkeeda, iyagoo muujiyey muhiimadda ay warshaddu u leedahay horumarinta wax-soosaarka kalluunka, kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo oo ka jira Puntland.
Daahfurka warshaddan ayaa sidoo kale muujinaya dadaallada lagu horumarinayo ka faa’iidaysiga khayraadka badda iyo in wax-soosaarka gudaha loo sameeyo suuq iyo qiime dheeraad ah.






Horseed Media




