Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland, Mudane Cabdi Farax Juxa ayaa si rasmi ah u…

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland, Mudane Cabdi Farax Juxa ayaa si rasmi ah u soo xiray wajigii koowaad ee shirka madasha wadatashiga farsamo ee u dhexeeya wasaaradaha iyo dawladaha hoose. Shirkan oo socday laba maalmood ayaa looga hadlay hufnaanta iyo horumarinta dawladaha hoose, iyadoo ay ka soo qayb galeen guddoomiyeyaasha iyo xoghayeyaasha sagaal degmo oo uu baaris ku sameeyay hanti-dhowraha guud.
Inta uu socday shirka waxaa diiradda lagu saaray soo bandhigidda natiijada baarista hanti-dhowraha, qorshayaasha lagu kicinayo dakhliga degmooyinka iyo xalinta cabashooyinka la xiriira nidaamka maaliyadda ee PFMIS. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay qaababka lagu horumarin karo isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta dawladaha hoose si loo helo adeegyo hufan oo waara.
Wasiir Juxa ayaa sheegay in wadashaqeynta wasaaradaha iyo degmooyinka ay tahay mid muhiim ah si loo xoojiyo isla xisaabtanka, isagoo ku baaqay in la sameeyo kulan bille ah oo dhexmara Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Maaliyadda iyo degmooyinka. Wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda jawaab celinta cabashooyinka la xiriira nidaamka maaliyadeed ee degmooyinka.
Dhankiisa Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax, ayaa tilmaamay in kor u qaadista dakhliga gudaha ay muhiim u tahay isku filnaanshaha dawladaha hoose, halka Guddoomiyaha Hanti-dhowraha Guud, Mudane Cismaan, uu xusay in baaritaannada xafiiskiisu ay muujinayaan baahi loo qabo in la hagaajiyo habraacyada maaliyadeed iyo ilaalinta ku dhaqanka miisaaniyadda dawladaha hoose ee Puntland.
Ugu dambeyntii waxaa la isla qaatay:-
1. In lagu dhaqmo Siyaasadda maamul daadejinta Dawladda Puntland.
2. In laga jawaabo lana saxo natiijooyinka ka soo baxay baaritaanka Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Dawladda Puntland.
3. In Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ay barnaamijka PFMIS ee Degmooyinka horumariso, iyada oo dib u qaabeyn ku samaynaysa isticmaalka system iyo tababaridda shaqaalaha ka shaqeeya.
4. In la ilaaliyo habka maamulka Maaliyadeed ee Degmooyinka iyada oo lagu dhaqmayo miisaaniyada la ansixiyey, lana raacayo nidaamka kharash bixinta iyo xeraynta dakhliga.




