Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baarri Shire…

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyay Fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.
Fadhiga maanta waxaa Golaha hor yimid Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyo Guddiga Doorashooyinka Puntland, kuwaas oo xildhibaannada la wadaagay warbixin ku saabsan wax-ka-beddelka Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Dowladda Puntland.
Mas’uuliyiinta ayaa sharaxaad ka bixiyay ujeeddada wax-ka-beddelka xeerka, geeddi-socodkii loo maray diyaarintiisa, sababaha keenay dib-u-habaynta iyo saamaynta dhaqaale ee la filayo inuu yeesho. Golaha ayaa xeerka ku sameeyay akhrinta koowaad, iyadoo la raacayo Qodobka 58-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.
Intii uu socday fadhigu, xildhibaannada ayaa su’aalo iyo aragtiyo kala duwan ka dhiibtay qodobada ku jira xeerka, iyagoo faahfaahin dheeraad ah ka dalbaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Doorashooyinka.
Dood iyo falanqayn dheer kadib, Golaha Wakiillada ayaa go’aamiyay in hindise-sharciyeedka loo gudbiyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ee Golaha, si ay u dhammaystiraan akhrinta labaad isla markaana dib-u-eegis buuxda ugu sameeyaan si waafaqsan xeer-hoosaadka Golaha.




