Wasaaradda arrimaha gudaha iyo guddoomiyayaasha gobolada Puntland oo shiray.

15 January, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri…

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa maanta kulan isgaarsiineed (Call Conference) la yeeshay Guddoomiyaasha Gobollada Puntland, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, amniga, iyo xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha Dawladda.

Kulanka ayaa Agaasimaha Guud kaga dhageystay Guddoomiyaasha Gobollada warbixinno la xiriira xaaladda amniga, maamulka, adeegyada bulshada, iyo Xaaladda abaaraha ee ka jira gobollada, isagoo ku bogaadiyey dadaallada ay wadaan mas’uuliyiinta heer gobol ee ku aaddan sugidda nabadgelyada iyo xasiloonida.

Agaasimaha Guud ayaa Guddoomiyaasha Gobollada ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay:

1. Dardar-gelinta amniga iyo ka hortagga falalka lidka ku ah nabadgelyada iyo

Xoojinta wada-shaqaynta u dhexeysa heerarka kala duwan ee Dawladda.

2. Ilaalinta Sharciga iyo midnimada dadka Reer Puntland.

3. Adkaynta amniga iyo in talaabo laga qaado cid walba oo lu xadgudubta amniga, xasiloonida iyo wadajirka dadka Reer Puntland.

4. U kuur-gelidda xaaladda abaaraha Dalka iyo la shaqaynta guddiga abaaraha si bulshada nugul ee Reer guuraaga ah loo gaarsiiyo taakulada ay u baahanyihiin.

5. Dardargelinta adeegyada ay dowladdu u fidiso bulshada iyo qabashada kulamada wacyigelinta bulshada.

Agaasimaha Guud ayaa xusay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka go’an tahay taageeridda iyo garab istaagga maamulka gobollada, si loo xaqiijiyo hirgelinta siyaasadaha dowladda iyo xasilloonida guud ee Dawladda Puntland.

Gunaanadkii kulanka, Guddoomiyaasha Gobollada ayaa ballanqaaday in ay sii xoojin doonaan dadaallada lagu ilaalinayo amniga iyo dardargelinta wada-shaqaynta hay’adaha kale ee dowladda, si loo gaaro himilooyinka horumarineed iyo nabadgelyo waarta.