Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadis u dirtay shacabka Gobolka Banaadir ka dib qabsoomidda Doorashadii…

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadis u dirtay shacabka Gobolka Banaadir ka dib qabsoomidda Doorashadii Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ee dhacday 25-kii Diseembar 2025. Wasaaraddu waxay hambalyo u dirtay dhammaan xubnaha ku guuleystay doorashada, iyadoo ku tilmaantay mid taariikhi ah oo muujinaysa horumar muuqda oo laga gaaray hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in doorashadu astaan u tahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo dowladnimada, Federaalka iyo maamul wanaagga, isla markaana ay muujisay bisayl siyaasadeed, wacyi bulsho iyo ka-qaybgal ballaaran oo ay muujiyeen shacabka Gobolka Banaadir. Waxaa sidoo kale la xusay in ururro siyaasadeed oo diiwaangashan ay si xor iyo xalaal ah ugu tartameen, taasoo sare u qaaday kalsoonida lagu qabo nidaamka doorashooyinka.
Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ammaan u jeedisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo hay’adaha ammaanka Qaranka, kuwaas oo door weyn ka qaatay hirgelinta doorasho nabad ah oo hufan. Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay tilmaantay in Golaha Deegaanka cusub uu door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta isla-xisaabtanka iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo si toos ah u taabanaya nolosha shacabka Gobolka Banaadir.




