Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday magacaabista Guddiga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka…

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday magacaabista Guddiga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (G-GMCQ), ka dib markii ay tixraacday sharciyada iyo xeerarka u yaal hay’adaha caafimaadka dalka. Wasaaraddu waxay sheegtay in magacaabistan ay sal u tahay go’aannada Madaxweynaha, Golaha Wasiirrada iyo shuruucda ku cad dastuurka iyo xeerarka caafimaadka ee dalka.
Qoraalka rasmiga ah oo ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Caafimaadka ayaa lagu xusay in la raacay habraacyadii hore, gaar ahaan guddoonka hore ee Guddiga G-MCQ iyo qoraalladii wasaaraddu hore u soo saartay, kuwaas oo qeexayay baahida loo qabo in la cusboonaysiiyo guddiga. Sidoo kale, waxaa la tixgeliyay talooyinka iyo tilmaamaha hay’adaha caafimaadka ee dowladda federaalka.
Warqadda ayaa caddeysay in guddiga cusub uu yeelan doono masuuliyad ballaaran oo la xiriirta hagista, kormeerka iyo fulinta siyaasadaha Mihnadlayda caafimaadka ee qaranka, iyadoo la raacayo shuruucda dalka iyo heshiisyada ay Soomaaliya qaybta ka tahay. Wasaaraddu waxay sheegtay in guddiga cusub uu door muuqda ku yeelan doono kor u qaadista badqabka dawooyinka iyo tayada adeegyada caafimaad.
Ugu dambayn, Wasiirka Caafimaadku wuxuu amray dhammaan hay’adaha dowladda ee ku siman in ay la shaqeeyaan guddiga cusub, isla markaana ay fududeeyaan hawlaha uu u xilsaaran yahay. Qoraalka ayaa ku soo gebogaboobay in guddiga la magacaabay uu si degdeg ah u bilaabi doono shaqadiisa si loo dardar-geliyo hawlaha qaranka ee dhinaca caafimaadka.




